Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dagaallada Maalintii 8-aad socda


Dagaallo xooggan ayaa maalintii 8-aad ka dhacaya Muqdisho. In kabadan 12 qof oo isugu jira dhinacyada dagaallamayay ayaa maanta dhintay.

Waxaa maalintii 8-aad ka sii socda magaalada Muqdisho dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada DKMG oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalladan oo maanta ka dhacay degmooyinka Boondheere, Hodan iyo Howl-wadaag ayaa ila hataan la xaqiijiyay inay ku dhinteen in kabadan 12 qof oo isugu jira dhinacyada dagaalka.

Wararka ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ku soo dhawaadeen saldhig ciidamada DKMG ay ku leeyihiin degmada Boondheere.

Dagaalka Boondheere ayaa wuxu saameeyay wadadda isku xirta, Hotel Jubba iyo Madaxtooyada, waxaana hakad ku yimid isu-socodkii gaadiidka .

Dadka degan degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay ka barakacaan xaafaddahooda.

XS
SM
MD
LG