Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW Sharma'arke oo ka hadlay Tababarka ciidamada


RW Sharma'arke oo ka hadlay Tababarka ciidamada
RW Sharma'arke oo ka hadlay Tababarka ciidamada

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegay in ciidamada lagu tababari doono gudaha dalka.

Raisal-wasaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa sheegay in la joojiyanayo in ciidamada ka tirsan dowladda KMG tababarada loogu qaado dalalka dibedda.

Ra’sal-wasaare Sharma’arke oo maanta dib ugu noqday magaalada Muqdisho, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in wixii haatan ka danbeeya ciidamada dowladda Somalia lagu tababari doono gudaha dalka Somalia, isagoo sheegay in saraakiisha Soomaalida ee qaarkood dibedda tababaro ku soo qaatay ay haatan ku filan yihiin inay tababar siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul-wasaare Sharma’arke, wuxuu warkaasi qoraalka ah ku sheegay in magaalada Nairobi uu kulamo kula soo qaatay saraakiil kala duwan oo uu ka mid yahay ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Somalia, Augustine Mahiga, wuxuuna sheegay inuu kulamadaasi kala hadlay sidii xafiisyada Qaramada Midoobay dib looga furi lahaa gudaha Soomaaliya, isla markaana loo soo dhamaystiri lahaa ciidamada dhawaan lagu yaboobay in lagu biirin doono kuwa nabad-ilaalinta ee AMISOM

XS
SM
MD
LG