Dagaallada Muqdisho ku dhexmaraya ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga ku kacsan dowladda ayaa galay maalintoodii saddexaad.
Madaafiic iyo rasaas lays weydaarsaday maanta waxaa ku dhintay ugu yaraan 11 ruux, sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Dagaallada ka socda Muqdisho waxay hakad ku keeneen dhaqdhaqaaqii Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo isu socodka waddada Makka al-Mukarrama, taasoo keentay inay hakadaan gaadiidka dadweynaha.
Dagaalladan ka socda Muqdisho waxay xoogeysteen saddex maalmood ka hor, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab ku dhowaaqday dagaal weyn oo ka dhan ah dowladda iyo ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.
Saddexdii maalmood ee u dambeeyay dadkii ku dhintay dagaallada Muqdisho waxaa lagu qiyaasay inay gaarayaan 50 qof, inka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.