Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Virginia: Burcadbadeed Dacwaddooda la laalay


Maxkamad Maraykan ah ayaa ku gacanseyrtay dacwad burcadbadeednimo ah oo lagu soo oogay koox Soomaali ah oo ku xiran gobolka Virginia.

Qaadiga maxkamadda Federaalka Maraykanka ee degmada Norfolk ee gobolka Virginia ayaa ku gacanseyray dacwad lagu soo oogay lix nin oo Soomaali taasoo la xiriirtay burcadbadeednimo.

Qaadiga maxkamadda Raymond Jackson ayaa sheegay in eedeeynta burcadbadeednimo ee loo soo jeediyay kooxdan Soomaalida ay tahay mid aan sharcigu waafaqsaneyn.

Robert Rigney oo ka mid ah qareenada u doodaya Soomaalidaasi ayaa soo dhoweeyay go'aanka qaadiga maxkamaddu. Wuxuu sheegay in dhalinyarta Soomaalida ee ku la soo taagay maxkamadda Nortfolk aysan dusha u dhaadhicin markabka, aysanna boob sameynin, sidaasi darteed ayaan loogu tilmaami karin dambi burcadbadeednimo inay galeen.

Rigney oo u warramay Harun Macruuf oo ka tirsan VOA-da ayaa sheegay in maxkamadda raggaasi laysugu soo laaban doono bisha October 19-keedii, waase haddii aanay dowladda Maraykanku racfaan ka qaadan xukunkii shalay.

XS
SM
MD
LG