Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Maraykan ah oo ka Baxay Ciraaq


Ciidamo Maraykan ah oo ka tirsan guutooyinka dagaalka ayaa ka baxay dalka Ciraaq habeenimadii xalay ahayd, iyagoo u gudbay dhanka Kuweyn.

Guutadii ugu dambeysay ee ciidamada dagaal Maraykanka ku sugan dalka Ciraaq ayaa xalay ka gudbay xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Ciraaq.

Wakaaladaha wararka iyo telefishnada, oo qaarkood ay wariyeyaashoodu la socdeen ciidamada baxaya ayaa xaqiijiyay in guutada 4aad ee loogu magac daro Stryker Brigad, qeybteeda labaad ee ciidamada dagaalka gala, ay ka gudbeen xuduudka Khabari iyagoo u tallaabay dhanka Kuweyt.

Ka bixitaankan ayaa yimid iyadoo ay laba todobaad ka harsan tahay 31-ka August oo ah wakhtigii uu madaxweyne Obama u qabtay in si rasmi ah loo soo afjarayo hawlgalka dagaalka, markaasoo ay todoba sano iyo 5 bilood ugu go’ayso tan iyo markii faragelinta military lagu sameeyay dalka Ciraaq.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa laga soo xigtay isagoo dhahaya in inkastoo ciidamada dagaalka ay hoos ugu dhaceen 50,000, haddana qaabka hawlgalka Maraykanka uu isbedeli doono 31-ka August.

Afhayeen u hadlay waaxda gaashaan dhigga ee Pentagon, ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada dagaalka ee

Maraykanka ay ku hareen dalka Ciraaq, isla markaana hawlgalka dagaalka weli qorshihiisu uu yahay inuu soo dhammaado dhammaadka bishan. Saraakiil ayaa iyagana laga soo xigtay in ciidamada Maraykanka ee ku hari doona dalkaasi 31-ka August ka dib ay weli awood u yeelan doonaan inay ka jawaabaan haddii ay jirto khatar military.

Heshiis laba geesood ah oo lala galay dowladda Ciraaq waxa uu dhigayaa, in dhammaan ciidamada dagaalka ee Maraykanka ay ka baxaan dalka Ciraaq dabayaaqada sanadka 2011-ka. 50,000 askari ee sii joogi doona dalkaasi waxaa loo isticmaali doonaa inay tababar siiyaan ciidamada Ciraaq, inay fuliyaan hawlgallada ka dhanka argagixisada, iyo inay ilaaliyaan diblomaasiyiinta Maraykanka iyo shaqaale kale.

Intii uu socday hawglka dalka Ciraaq, Maraykanka waxaa kaga dhintay 4,200 oo askari, inka badan 30,000 kalena waa ay kaga dhaawacmeen.

Inkastoo madaxweyne Obama iyo saraakiil kale oo Maraykan ah ay tilmaameen in guud ahaan ay hoos u dhaceen rabshadaha dalka Ciraaq, haddana waxaa todobaadyadii u dambeeyay soo laba kacleynayay weerarada loo adeegsado qaraxyada oo uu ka mid yahay weerar todobaadkan uu geystay qof isa soo miidaamiyay oo laayay dad saf ugu jiray inay askarnimo qortaan.

XS
SM
MD
LG