Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh. Axmed ayaa maanta sheegay in xukuumad tiro yar la soo dhisi doono
Guri ku yaalla magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku shirsanaayeen saraakiil al-Shabaab ka tirsan ayaa la duqeeyay.
Mas'uulka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Africa ayaa shaaca ka qaaday in ay si weyn u la shaqayn doonaan Puntland iyo Somaliland.
Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo ka hadlay New York ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la taageero dowladdiisa.
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha waxaad ku maqli doontaan Hambalyada ay dhageystayaashu isu dirayaan iyo heeso aad u macaan.
Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhimatay, dad gaaraya 80 waa ay ku dhaawacmeen dagaalo maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan Muqdisho.
Ra'iisul-wasaare Cumar C/rashiid Sharma'arke ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay jagadii ra'iisul-wasaarenimo ee dowladda KMG
Nin hubseysan oo damacsanaa inuu isku qarxiyo xarunta madaxtooyada ee Muqdisho ayaa toogasho lagu dilay kahor intii uusan is-qarxin
Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhimatay 10 kalena waa ay ku dhaawacantay, dagaal maanta ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacantay rasaas ay ciidamada ammaanku ku fureen dad mudaaharaad ka dhigayay magaalada Boorama.
Xildhibaannada iyo wasiirrada taageersan ra'iisal wasaaraha ayaa maanta ku shiray Hotel Saxafi, waxayna qaadaceen codeyntii shalay.
Ergeyga Qaramadda Midoobay ee Somalia Mr Mahiga ayaa codsaday in la 20 kun oo askari lagu daro AMISOM.
Madaxweyne Sh Shariif ayaa soo kormeeray Xabsiga dhexe iyo Isbataalka Martiini ee Muqdisho.
Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha waxaa sidoo kale qeyb ka Fannaaniin isugu jirta kuwii hore iyo kuwo cusub.
VOA waxay munaasabadda Ciidda idiin diyaarisay barnaamijyo ay ka qeybgalayaan fanaaniintii hobollada Waabari kuwoodii ugu caansanaa
Guud ahaan Muslimiinta ku nool Geeska Afrika ayaa si wadajir ah u ciiday maalinta Ciiddul-Fitriga, iyagoo soo gabagabeeyay Soonka.
Kooxda al-Shabaab ayaa sheegtay inay guullo ka gaartay dagaaladii ugu dambeeyay ee Muqdisho, balse dowladda ayaa guushaasi beenisay.
Dagaalo goos goos ah ayaa maanta magaalada Muqdisho ay ku dhexmareen ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo maleeshiyo ka soo horjeeda.
Waxaa weli cirka ku shareeran khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda KMG ah ee Soomaliya ee la xiriira dastuurka cusub ee qabyada ah.
Kooxda al-Shabaab ayaa Beledweyne ka fulisay xukun gacmo jaris ah oo ay u geysatay labo dhalinyaro ah oo ay ku eedeeysay xatooyo.
Kuwo kale