Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beledweyne: Alshabaab oo Dhalinyaro Gacmaha Jartay


Beledweyne: Alshabaab oo Dhalinyaro Gacmaha Jartay
Beledweyne: Alshabaab oo Dhalinyaro Gacmaha Jartay

Gacmo goyntan ay sameysay al-Shabaab, waa ciqaabtii ugu weyneyd muddooyinkan ay ka fuliso Beledweyne.

Maleeshiyada al-Shabaab ee gacanta ku haysa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta xukun gacmo-goys ah ku fulisay labo wiil oo dhalinyaro ah, fagaaraha xarunta gobolka.

Haaruun Cabdi oo 23 jir ah iyo Liibaan Xirsi oo 22 jir ah waxaa laga jaray min gacanta bidix, ka dib markii ay geysteen falal tuuganimo ah oo ay ku xadeen 2,200,000 sh so, sida uu ku eedeeyay xaakim ka tirsan al-shabaab.

Xukunka adimo jarista ee maanta ay fulisay kooxda al-shabaab waxa uu noqonayaa ciqaabtii ugu weyneed, marka laga soo gudbo karbaashid iyo gubista jawaano qaad ah iyo daawooyin ay ku sheegeen inuu wakhtigoodii dhacay oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka wadeen magaalada Beledweyne.

Xukunkan gacma goyska ah ee ay al-Shabaab fulisay ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay dhaqaaqdhaaqayo ciidan ka wadeen duleedka magaalada Beledweyne ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG