Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dagaalkan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa laysu adeegsaday madaafiic culus, taasoo sababtay dhimashada ugu yaraan 5 ruux oo la sheegay dhammaantood inay ahaayeen dad rayid ah.
Muqdisho ayaa maalmahan laga dareemayay xasillooni, balse dagaal kasta oo dib u soo cusboonaada waxa uu khasaaraha ugu ballaaran soo gaarsiinayaa dadka rayidka ah.