Waxaa weli cirka ku shareeran khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ee la xiriira dastuurka cusub ee qabyada ah.
Khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali waxa uu soo shaac baxay todobaadkii hore, ka dib markii ra'iisal wasaaraha uu VOA-da wareysi siiyay ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha ay ku kala aragti duwan yihiin dastuurka qabyada ah.
Ra'iisal wasaare Sharmaarke wuxuu sheegay in dastuurka uu yahay qabyo isla markaana u furan yahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka tala bixiyaan, balse madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dastuur u sameynta Soomaaliya ay hawl qaran tahay, aanna loo baahneyn dastuur daldaloollo ay ka muuqdaan.
Haddaba waxaa maxay sababta uu madaxweyne Shariif waxa uu ku kordhin lahaa dastuurka cusub ee qabyada ah.
Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo aan wareysi la yeelanay ayaa ka warramaya.