Muqdisho
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta ku kala ciiday labo qeybood oo ay magaaladu u kala go'an tahay dowladda kmg ah iyo xoogagga ka soo horjeeda.
Shacabka ku sugan dhinaca ay dowladdu maamusho waxay salaadda Ciidul-Fitir ku tukadeen masaajidda goobahaaasi ku yaalla. Waxaana mid ka mid ah masaajidda salaadda kala qeybgalay madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweyne Shariif ayaa la hadlay shacabka Muqdisho salaadda ka dib, isagoo ku eedeeyay kooxaha mucaaradka inay doonayaan inay awoodda maroorsadaan.
Qeybtan hoose ka dhageyso warbixinta ciidda ee Muqdisho
Baydhabo
Shacabka magaalada Baydhabo ayaa maanta iyaguna ku tukaday Salaadii Ciidul-Fitri-ga Garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub.
Dadweynaha ayaa sidoo kale isugu marxabeynayay munaasabadda Ciidda, iyadoo caruur badan oo ku lebisan dhar aad u qurux badanna ay waddooyinka damaashaadayeen.
Shacabka magaalada Baydhabo waxaa kala qeybgalay salaadda hogaamiyeyaal ka tirsan ururka al-Shabaab.
Hogaamiye ku xigeenka al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka hadlay shirkaasi ayaa ka hadlay dagaalka ay kula jiraan dowladda kmg ah iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Sidoo kale saraakiil ka tirsan al-Shabaab ayaa maanta salaadda Ciidda kula tukaday dadweyne tiro badan oo isugu soo ururay garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho.
Qeybtan hoose ka dhagayso warbixinta ciidda ee Baydhaba
Hargaysa
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa iyaguna maanta tukaday salaaddii Ciidul-Fitriga. Masaajidda kala duwan ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa maanta buux dhaafiyay dad badan oo tukanayay salaaddii Ciidul-Fitriga.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta shacabka kala qeybgalay tukashada salaadda Masjidka Jaamaca ee magaaladaasi ayaa salaadda ka dib hadal jeediyay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa u hambalyeeyay shacabka Soomaaliland oo uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan oo ay dowladda gacanta ka siiyaan sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada.
Caruur badan oo iyaguna ku lebisan dhar qurxux badan ayaa lagu arkayay waddooyinka magaalada Hargeysa iyagoo gacmaha ku sitay alaabaha ay caruurtu ku ciyaaraan.
Qeybtan hoose ka dhagayso warbixinta ciidda ee Hargeysa
Gaarissa
Magaalada Gaarissa ee gobolka waqooyi bari Kenya waxaa sidoo kale lagu sameeyay xafladdo iyo damaashaadyo lagu maamuusayo ciiddul-fidriga.
Qeybtan hoose ka dhageyso warbixinta ciidda ee Garissa
Nairobi
Muslimiinta dalka Kenya ayaa iyaguna si la mid ah u gutay salaaddii Ciidul-Fitriga, ka dib markii ay soo soomeen 30 Cisho.
Dadweyne badan oo Muslimiinta dalkaasi oo ay ku jiraan Soomaali ayaa si wadajir ah salaadda Ciidda ugu tukaday masaajidda waaweyn ee dalkaasi.
Xaafadda Islii ee ay Soomaalidu degan tahay masjidka weyn waxaa isugu yimid Muslimiin badan oo ku lebisnaa dhar qurux badan oo ay ugu talagaleen Ciidda ayaa waxay si wadajir ah ugu tukadeen Masjidka Weyn ee Xaafadda Islii iyo sidoo kale Masjidka kale ee isna ku yaalla Bartamaha magaalada Nairobi.
Qeybtan hoose ka dhageyso warbixinta ciidda ee Nairobi
Si kastaba ha ahaatee dhammaan shacabkii Soomaalida ee salaadda Ciidda ayaa goobihii ay ku tukadeen waxay isugu marxabeeyeen farxadda Ciidul Fitriga.