Isku xirrada

War Deg-Deg ah

VOA iyo Barnaamijyada Ciiddul-Fidriga


VOA iyo Barnaamijyada Ciiddul-Fidriga
VOA iyo Barnaamijyada Ciiddul-Fidriga

VOA waxay munaasabadda Ciidda idiin diyaarisay barnaamijyo ay ka qeybgalayaan fanaaniintii hobollada Waabari kuwoodii ugu caansanaa

Barnaamijka koowaad oo ku baxay Idaacaddii galabnimo waa waxaa ka qeybgalay fannaaniin Soomaaliyeed oo caan ah, waxaana ka mid ah; Maxamed Saleebaan Tubeec, Saado Cali Warsame, Maxamed Axmed Kuluc iyo Aamino Cabdilaahi Xirsi.

Barnaamijka labaad oo ku baxay idaacaddii habeennimo waxaa ka qeyb galay fanaaniinta kale ee caanka ah; Xasan Adan Samatar, Sahro Axmed Jaamac iyo Axmed Naaji Sacad.

Fannaaaniintan ayaa dhageystayaasha Soomaaliyeed hawada ugu soo bandhigey qaar ka mid ah heesihii ay ku luuqeeyn jireen.

Qeybta hoose ka dhagayso Barnaamijka Koowaad oo ay daadihinayaan Caasho Cuud iyo Cali Xadhaadhe.

Qeybta hoose ka dhageyso Barnaamijka Labaad oo ay daadihinayaan C/salaan Hereri iyo Falastiin Iman.

XS
SM
MD
LG