Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dagaalo Hor leh oo Maanta Dhacay


Muqdisho: Dagaalo Hor leh oo Maanta Dhacay
Muqdisho: Dagaalo Hor leh oo Maanta Dhacay

Dadka ku waxyeeloobay dagaaladan waxaa ku jira dad rayid ah oo la geeyay goobaha caafimaadka.

Ugu yaraan 20 ayaa dhimatay, ilaa 80 kalane waa ku dhaawacmeen, dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Nabad illalinta Midowga Afrika ee Amisom iyo kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda oo maanta Muqdisho ka dhacay.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hub culus ayaa waxa uu saaka waaberigii ka bilowday dhowr Jiho oo ka tirsan degmooyinka Boondheere, Cabdicasiis, Hodan iyo Howlwadaag kadib markii kooxaha Mucaaradka ay weerar ku soo qaadeen Fariisimo ay Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afirka ee AMISOM iyo kuwa dowladda ay halkaasi kaga sugnaayeen.

Inkasta oo si dhab ah loo ogeyn qasaaraha dagaalka haddana madaafiic ayaa ku dhacday qeybo ka mid ah suuqa

Bakaaraha oo ganacsigiisu uu xiran yahay halkaasi oo dadku intooda badan ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen sida uu VOA-da u sheegay goob jooge sugnaa goob ay dad badan ku waxyeeloobeen oo uu Madfac ku dhacay.

XS
SM
MD
LG