Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Xildhibaanno iyo Wasiirro Kulmay


Muqdisho: Xildhibaanno iyo Wasiirro Kulmay
Muqdisho: Xildhibaanno iyo Wasiirro Kulmay

Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta ee DKMG ayaa VOA-da u sheegay in shirkaasi ay kaga hadleen sida ay uga soo horjeedaan go'aan uu gaaray baaralamaanka.

Xildhibaano iyo wasiiro taageersan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta shir ku yeeshay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha shirkaasi ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa wasiirka dastuurka ee dowladda federaalka Madoob Nuunow

Maxamed, Cabdalla Boos, Cabdirashid Cirro, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cali Axmed Jaamac (Jangali).

Kulankaasi ayaa lagu diidanaa go’aankii shalay baarlamaanku ku gaaray in xukuumaddu hortimaado golaha baarlamaanka ayna kalsooni weydiisato.

Mr. Jangali waxaa uu sheegay in xubnaha kulanka isugu yimid aysan dhammaantood ahayn kuwo ku fikir ah ra’iisal wasaaraha, hase yeeshee ay ku jiraan kuwo mowqifkoodu yahay dhex dhexaadnimo oo aan cidna u janjeerin.

Cali Axmed Jaamac (Jangali) wuxuu sheegay in kulankii shalay ee baarlamaanka meel looga dhacay xuquuqdooda, ayna difaacanayaan.

XS
SM
MD
LG