Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG iyo Shabaab oo Guullo kala Sheegtay


DKMG iyo Shabaab oo Guullo kala Sheegtay
DKMG iyo Shabaab oo Guullo kala Sheegtay

Kooxda al-Shabaab oo waxay sheegatay inay gacanta ku dhigeen fariisimo ay horey u joogeen ciidamada dowladda.

Dagaaladan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada kmg ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo kooxaha hubaysan ee ka soo hor jeeda ayaa waxa ay ka dhaceen dagmooyin ay ka mid yihiin Shibis, Cabdulcaziiz, Boondheere iyo Shangaani, iyadoo sidoo kalana dagaallo teel teel ah ay ka socdeen deegaano ka tirsan dagmada Hodan gaar ahaan agagaarka isgoyska Dabka ilaa xaafada Taleex.

Dagaaladan ayaa waxaa dhinaca kale barbar socday madaafiic aad u xooggan oo iyagu ku dhacayay goobo ka baxsan halka ay dirirtu ka socoto, waxana ay madaafiicdani waxyeelo u gaysteen qaar ka mid ah dadka rayidka ah oo iyagoo deeganadoodu ku sugan ay madaafiicdu ku dul habsatay.

Goobaha ay dadku ku dhaawacmeen ayaa waxaa howlo gumad ah ka samaynayay howl wadeenada gaadiidka gurmadka ah ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dagaaladan ugu dambeeyay waxay sababeen barakac dad badan oo xaafadohoodii ka qaxay.

XS
SM
MD
LG