Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Isku-qarxin lahaa Madaxtooyada oo la Dilay


Nin Isku-qarxin lahaa Madaxtooyada oo la Dilay
Nin Isku-qarxin lahaa Madaxtooyada oo la Dilay

Nin hubseysan oo damacsanaa inuu isku qarxiyo xarunta madaxtooyada ee Muqdisho ayaa toogasho lagu dilay kahor intii uusan is-qarxin

Ciidanka Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia ayaa toogasho ku dilay nin ku hubeysnaa qori nooca AK47 iyo waxyaabaha qarxa oo markaasi doonayay inuu isku qarxiyo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ee Muqdisho.

Ciidanka ayaa ninkan toogtay ka hor intuusan is-qarxin.

Ninkaasi oo xirnaa suunka ismiidaaminta ayay u suurto gashay inuu ka gudbo albaabka weyn ee madaxtooyada xilli ay gudaha madaxtooyada galayeen baabuurta ciidamada AMISOM, balse ninkaasi ayaa la toogtay ka dib markii ay arkeen ciidamada AMISOM ka hor intuusan gaadhin albaabka labaad ee madaxtooyada.

War qoraal ah oo laga soo saaray xarunta madaxtooyada Somalia ayaa lagu xaqiijiyay dhacdadan, waxaana la sheegay inaan cidna waxba ku noqon dhacdadaasi.

Ninkan ayaa loo maleynayaa inuu ka tirsan kooxda Al-shabaab oo dagaallo ba'an kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

XS
SM
MD
LG