Dad badan oo ka caraysan ayaa weerar ku qaaday laba Hotel oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay deggan yihiin Xildhibaanada DKMG.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisal wasaaraha xukuumadda Maxamed Cabdullaahi ayaa ku laabtay magaalada Muqdisho.
Ra'iisal wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay magaalada Muqdisho kula hadlay dad badan oo ka codsaday inuu xafiiska sii joogo.
Guddiga talabixinta furashada ururada siyaasiga ee Somaliland ayaa xalay ka hadlay taladoodii kama dabeysta ee furashada ururada.
Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa weli kulamo ay ku xalinayaan khilaafka siyaasadeed ee tagaan uga socda magaalada Kampala.
Madaxda Soomaalida ee ku sugan dalka Uganda ayaa weli laysugu dayayaa inay heshiis ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee dhexdooda ah.
Jeneral Radko Mladic, abaanduulihii ciidamada Serbia ee dagaalkii Yugoslavia waxaa loo xiray xasuuq lagu laayay ilaa 8,000 oo Muslim ah.
Dalka Kenya ayaa laga xusay maalinta madaxbannaanideeda ee Madraka Day, waxaana dalka laga dhigay dabaaldegyo xuskaasi ku aadan.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka mamnuucday ciidankeeda inay hub ku dhex qaataan bulshada, ka dib markii al-Shabaab isu shabahday.
Dagaalo ayaa lagu soo warramayaa inay dib uga qarxeen dalka Yemen, kuwaasoo dhexmaraya maleeshiyo beeleedyo iyo ciidamada dowladda.
Weerar Ismiidaamin ay al-Shabaab ku qaaday xarun ciidamada AMISOM iyo Ahlu-Sunna ay joogeen waxaa lagu dilay laba askari oo AMISOM ah.
Golaha Wasiirada ee dowladda KMG ah ayaa xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihi Qaranka Cabdullaahi Daahir Barre, mid cusubna magacaabay.
War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha Ammaanku uu la yeeshay dhinacyada Soomaalida ayaa lagu soo bandhigay dhowr qodob oo muhiim ah.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in dunidu ay udulqaadan la'dahay khilaafka siyaasiyiinta Soomaalida.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo madaxda Soomaalida ayaa maalinta berri ah shir ku yeelan doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Khabiir ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ayaa ka digay ku dhowaansha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Suuqa Bakaaraha.
Dagaalo goos goos ah ayaa ka socda qaar ka mid ah waddooyinka Suuqa Baakaraha ee soo xiga wadada wadnaha ee ay dowladdu la wareegtay.
Booliska Bosaso ayaa xiray garsoore ka tirsanaa maxkamadda gobolka Nugaal, ka dib markii uu dhaliilay xil ka qaadis lagu sameeyay.
Guddiga madaxa bannaan ee dib u heshiisiinta Qaranka ayaa rajo ka muujiyay xal u helidda khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda KMG ah.
Goob joogayaal waxay sheegeen in ugu yaraan 4 qof ay ku dhimatay 8 kalena ay ku dhaawacantay qarax lala beegsaday fariisin Ahlu-Sunna.
Kuwo kale