Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Amar la Xiriira Hub -Qaadashada


Muqdisho: Amar la Xiriira Hub -Qaadashada
Muqdisho: Amar la Xiriira Hub -Qaadashada

Madaxweyne Shariif ayaa amar ku siiyay ciidamada inaanay hubka ku dhex qaadan karin bulshada.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku amartay qeybaha ciidankeeda in wixii ka bilowda maanta aanay hub ku dhex qaadan karin bulshada, ayna ku sugnaadaan goobaha ay ka shaqeynayaan. Amarkaasi ayaa waxaa uu maanta ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ciidamada ayaa la faray inay hubkooda kaga tagaan saldhigyadooda, marka ay tagayaan meel ka baxsan shaqadooda.

Madaxweyne Shariif ayaa sabab uga dhigay go’aankaasi si looga hortago kooxaha la dagaalamaya dowladda oo uu sheegay inay ka faa’iideystaan hubka ay ciidamada ku dhex sitaan shacabka.

Amarka ay dowladdu soo saartay ayaa ku adkeeyay ciidamada inay u hoggaansamaan awaamiirta taliyeyaashooda iyo hirgelinta go’aankan, iyadoona loo sheegay in askarigii ka hor yimaada uu muteysan doono ciqaab adag, sida uu qeexayo amarka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, amarkan ka joojinaya ciidamadu inay hub ku dhexqaataan bulshada ayaa daba socda, ka dib markii rag ka tirsan al-Shabaab oo lebisnaa dharka ciidanka ay isniintii todobaadkan weerar ku qaadeen saldhig ay joogeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah, kuwaasoo dilay laba ka mid ah askartii nabad ilaalinta, kuwo kale oo ciidamada dowladda ka tirsanna ay dhaawaceen.

XS
SM
MD
LG