Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoteelo lagu Weeraray Muqdisho


Hoteelo lagu Weeraray Muqdisho
Hoteelo lagu Weeraray Muqdisho

Dad careysan ayaa weerar ku qaaday laba Hotel oo ay deggan yihiin xildhibaanada baarlamaanka oo Muqdisho ku yaalla.

Dad badan oo caraysan ayaa weerar ku qaaday laba Hotel oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay deggan yihiin Xildhibaanada DKMG.

Hal qof oo ka tirsanaa dadkii carysnaa ayaa ku dhintay rasaas ay fureen ilaalada hotelka Madiina. Waxaa kaloo dhacdadaasi rabshadda ah sidoo kale ku dhintay mid ka mid ah shaqaalihii hotelka, iyadoona dab la qabadsiiyey qeybo ka mid ah hotelkaasi.

Dad carysan ayaa sidoo kale waxay weerareen Hotel Muna, halkaasoo la sheegay inay dhagxaan ku tuureen Hotelkaasi oo ay sidoo kale deggan yihiin xildhibaanada baarlamaanka.

Dibadbaxan rabshadeysan waxaa sameynaya dad ka soo horjeeda go'aamadii ka soo baxay shirkii Kampala, kaasoo qodob muddo sanad ah dowladda loo kordhiyay, iyadoona meesha uu xilka iska casilayo ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra'iisal Wasaare Farmaajo ayaa ugu baaqay dadweynaha magaalada Muqdisho inay joojiyaan dibadbaxyada ayna ilaaliyaan xasiloonida.

Bannaanbaxyo kale ayaa waxay ka dhaceen xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

XS
SM
MD
LG