Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobo ka soo Baxay Shirkii Nairobi


Qodobo ka soo Baxay Shirkii Nairobi
Qodobo ka soo Baxay Shirkii Nairobi

War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha Ammaanku uu la yeeshay dhinacyada Soomaalida ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo muhiim ah.

Shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu shalay kula yeeshay magaalada Nairobi waxaa ka soo baxay qodobo ku aadan khilaafka siyaasadda, xilliga kala guurka iyo dib u heshiisiinta.

Shirku wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda KMG ah inay si deg deg ah u xaliyaan khilaafkooda, ayna isku taxalujiyaan diyaarinta kala guurka.

Waxaa shirku uu sheegay in wakhtiga dowladdu uu ku egyahay bisha August, layskana ilaawo wakhti ku darsashada iskeed dhinac walba ay u sameysatay, baarlamaanka iyo xukuumadda.

waxaana loogu baaqay in la diyaariyo doorasho, shirka dib u heshiisiinta ee dowladdu ku baaqdayna laga wada qeybgalo, Ammbassador Mahigana uu kala shaqeeyo dowladda.

Dowladda KMG ah ayaa madaxdeeda lagu adkeeyay inay la shaqeeyaan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Soomaaliya Ambassador Mahiga.

XS
SM
MD
LG