Ra'iisal wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay magaalada Muqdisho kula hadlay dad badan oo ka codsaday inuu xafiiska sii joogo.
Dadkaasi oo isugu tegay xafiiskiisa ayaa waxay sheegeen in ay aad uga niyad jabsan yihiin heshiiskii laga soo saaray kulamadii ka socday magaalada Kampala, waxayna sheegeen inaanay meelna u socon oo ay isaga garab taagan yihiin.
Ra'iisal wasaaraha ayaa u sheegay dadweynihii halkaa isugu soo baxay inay guryohooda ku hoydaan oo ay caruurta u tagaan, isla markaana uu rajeynayo in wax walba ay si fiican ku dhammaan doonaan.
Qodobada heshiiskii lagu gaaray kulamadii ka socday Kampala, waxaa ku jiray qodob dhigaya in ra'iisal wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu bil gudeheed isaga casilo jagada ra'iisal wasaaraha.