Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Fuliyay Ismiidaamin


Shabaab oo Fuliyay Ismiidaamin
Shabaab oo Fuliyay Ismiidaamin

Weerar Ismiidaamin ah ayaa galabta gabal dhicii loo geystay xarun ciidan oo ay joogeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Weerar Ismiidaamin ah ayaa galabta gabal dhicii loo geystay xarun ciidan oo ay joogeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Ahlu-Sunna, meel ka tirsan wadada Makka al-Mukarrama.

Afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM Prosper Hakizimana ayaa VOA u sheegay in laba ka mid ah askartooda lagu dilay, afar kalena lagaga dhaawacay, ka dib markii ay is rasaaseeyeen kooxdii weerarka soo qaaday.

Goobjooge ku sugan Muqdisho oo magaciisa qariyay sababo amni darteed ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay ku lebisnaayeen dharka ciidanka, ayna ahaayeen afar ruux. Goob joogaha ayaa sheegay in laba qof oo isa soo miidaamiyay la dilay, mid ka mid ahina uu isqarxiyay.

Khaliif Cabdulqaadir Macalim Nuur, wasiiru dowlaha madaxtooyada oo VOA u warramay ayaa ku eedeeyay weerarkaasi inay soo qaadeen kooxda al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in weerarkaasi uusan dhinacooda dhibaato ka soo gaarin, marka laga reebo ay qaar ka mid ah askartoodu ay dhaawacyo soo gaareen.

XS
SM
MD
LG