Khabiir Soomaali ah oo ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ee ICG ayaa ka digay in ku dhowaanshaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho uu horseedi doono dhibaato.
Rashiid Cabdi wuxuu sheegay in aanay sahlaneyn qabsashada Suuqa Bakaaraha oo 5-tii sano ee u dambeysay saldhig oo kale ay u isticmaalayeen kooxda al-Qaacida ku xiran ee al-Shabaab.
Rashiid wuxuu sheegay in dowladihii hore ee TFG-da ay xoog ku geli waayeen suuqaasi, iyagoo ka baqay in khasaare ba'an ay soo gaarto rayidka.
Suuqa Bakaaraha ayaa ah halbowlaha dhaqaalaha inta badan koonfurta Soomaaliya, waana halka ugu mashquulka iyo dadka badan magaalada Muqdisho.
Khabiir ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ayaa ka digay ku dhowaansha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Suuqa Bakaaraha.