Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qarax loo Geystay Ahlu-Sunna


Muqdisho: Qarax loo Geystay Ahlu-Sunna
Muqdisho: Qarax loo Geystay Ahlu-Sunna

Goob joogayaal waxay sheegeen in ugu yaraan 4 qof ay ku dhimatay 8 kalena ay ku dhaawacantay qarax lala beegsaday fariisin Ahlu-Sunna

Goob joogayaal waxay sheegeen in ugu yaraan 4 qof ay ku dhimatay 8 kalena ay ku dhaawacantay qarax lala beegsaday fariisin Ahlu-Sunna ay ku leedahay deegaanka Siigaale ee magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay ururka Ahlu-Sunna ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa hoobiye lagu soo riday, ee uusan ahayn miino la geliyay meesha ay joogeen. Wuxuu kaloo sheegay in madfacaasi hoobiyaha uu kaga dhintay hal ruux, shan kalena ay kaga dhaawacmeen.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii dagaal uu saaka dhexmaray xoogagga Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo kuwa kooxda al-Shabaab, dagaalkaasoo ay Ahlu-Sunna sheegtay inay ku qabsatay deegaano ay horey u joogeen kooxda al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG