Gabadhii ugu horeysay ee Somali ah ayaa shalay si rasmi ah loo siiyay kaarka Booliska gobolka Minnessota dalkan Mareykanka, iyadoo ka mid noqoneysa 7 qof oo Somali ah boolis ah oo gobolka ka howlgala.
Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo da'diisu ay aheyd 95 sano, ayaa geeriyooday. Jacob Zuma ayaa sheegay in Koonfur Afrika ay wayday wiilkeedii ugu wanaagsanaa.
Musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen iyo wafdi uu horkacayey oo loo diiday inay galaan Gabiley, iyo Guddoomiyaha Gabiley Yuusuf Ibrahim Geeddi oo sababeeyey go'aanka ay wafdiga ku horjoogsadeen.
Cudur aan la garaneyn oo ka dillaacay deegaanno ay ku jirto Ceel-Cali oo ku dhow magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 40 qof, sida uu VOA u sheegay agaasimaha isbitaalka Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay inuu joojiyey qalabka S-300 ee difaaca gantaalaha ee uu siin lahaa wadanka Syria, laakiinse uu go’aankaa dib uga fiirsan doono hadii la qaado talaabooyin xad gudub ku ah xeerarka caalamiga ah.
Bayern Munich oo 7-0 ku dharbaaxday Barcelona iyo ciyaarta kama danbeysta ah ee Horyaalka Kooxaha Yurub oo ay isugu soo baxeen laba kooxood oo Jarmal ah, taasi oo ka dhici doonta garoonka caanka ah ee Wembley Stadium ee magaalada London.
Barnaamijka Qurbe ee todobadkanna waxaan ku soo qaadaneynaa Nolosha Soomalida ku nool dalka Angola iyo caqabadaha ka horyimaada marka ay dalkaasi galayaan.
Afhayeeka mucaaradka Jabuuti Daahir Axmed Faarax oo shalay xabsiga laga sii daayey, ayaa sheegay inay dhamaatay dacwaddii uu u xirnaa, hase ahaatee ay jirto dacwad kale oo furan oo markasta lagu soo oogi karo.
Barnaamijka Qurbe waxaa todobaadkan marti ku ah qaar ka mid ah ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee KA JOOG oo ku guuleystay abaalmarin ay bixiso Hay'adda FBI ee Mareykanka.
FBIda Mareykanka ayaa Abaal Marin gudoonsiisay Urur ay leeyihiin dhalinyarada Somali-Mareykanka ah oo fadhigiisu yahay gobolka Minnesota
Barnaamijka Qurbe ee todobaadkan waxaanu ku eegeynaa xarun ay ku bahoobeen qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee gobalka Ohio ee Mareykanka, kuwaasi oo gacansiiya haweenka Soomalida ee gobalkaas.
Ciyaaryahanka Kubadda Koleyga NBA-da ee naadiga LA Lakers Kobe Bryant, ayaa noqday ciyaaryahankii 4aad ee ugu dhibco dhalin badan ciyaaraha NBA-da Maraykanka, kadib markii uu xalay ka saremaray Xiddigii Walt Chamberlain.
Barnaamijka Qurbe ee todobaadkanna waxaa marti ku ah Maxamed Xuseen Gaas oo bare ka ah Qaybta Daraasaadka Caalamiga ah ee Jaamacadda Norwegian University For Life Sciences, oo dhawaan ku guuleystay Abaal-marinta Top 10 ee dalka Norway.
Xulka Qaranka ee Nigeria ayaa ku Guuleystay Koobkii Qaramada Afrika, isagoo ka adkaay wadanka Burkino Fano
Somaliland ayaa sheegtay in dowladda Somalia ay si khaldan uga faaideysatay aqoonsiga Maraykanku siisay Somalia iyo waliba kulankii Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Somalia ay ku yeesheen Aqalka Cad.
Barnaamijka Caweyska Washington waxaa marti ku ah abwaanka Soomaaliyeed ee C/Laahi Faarax Warsame "Lucture" oo ka waramaya noloshiisa iyo halabuurkiisa.
Deegaanada bariga ee xeebaha Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa inay ku soo fool leeyihiin roobab dabeylo wata oo laga yaabo inay ku dhuftaan degmada Caluula iyo tuulooyinka u dhow ee xeebta kulaala.
Barnaamijka Martida waxaa marti ku ah C/laahi Shuceyb oo ka tirsan Jaamacadda Carabta, waxaana uu ka hadlayaa guusha Madaxweyne Mursi