Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FBIda oo Abaal Marin Siisay Dhalinyaro Somaliyeed


Hay’adda FBIda Mareykanka ayaa shalay Gudoonsiisay Urur Dhalinyarada Soomaali- Mareykanka ay leeyihiin oo saldhigiisuyahay Gobolka Minnisotta ee dalkan Mareykanka.

Ururkan oo la yirahdo "KA JOOG" ayaa muddo lix sanadood ah oo uu jiray waxa uu ku howlanaa wacyigelinta dhalinyarada Gobolka,

Abaal marintan la siiyay oo shanti sanadoodba ay mar bixiso FBIda ayaa
la siiyaa shaqsiyaadka ama ururada doorka fiican ka qaata hogaaminta bulshadooda, gaar ahaan la dagaalanka dambiyada, argagixisada, daroogada iyo xad gudubka xuquuqda madaniga ah.

Axmed Xersi iyo Cabdimalik Xassan Maxamed oo ka mid ah hormuudka Dhalinyarada Abaal Marinta la gudoonsiiyay oo nagu soo booqday studiyaha VOAda ee magaalada Washington ayaa waxaa wareysi la yeeshay wariyeheena Maxamud Mascade oo ugu horeyn weydiiyay Axmed Xersi waxa ay tahay biladda la siiyay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:44 0:00
XS
SM
MD
LG