Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar Somali ah oo Shaqo Boolis Ka Bilowday Mareykanka


Gabadhii ugu horeysay ee Somali ah ayaa shalay si rasmi ah loo siiyay kaarka Booliska gobolka Minnessota dalkan Mareykanka, iyadoo ka mid noqoneysa tirada booliska Mareykanka Somalida uga biireysa gobolka Minnesotta oo sii kordhaysa.

Qadra Maxamed, oo 22 jir ah ayaa waxaa bishii March ee sanadkan shaqaale ka noqotay , qeybta booliska ee Magaalada St. Paul ee gobolkaasi, laakiin haatan ayey si rasmi ah ugu biirtay booliska. gaar ahaan,

Khadra Maxamed
Khadra Maxamed

​qeybta Metro-transit Police loo yaqaan oo ka howgasha magaalooyinka mataanaha ee St. paul iyo Minneapolis oo ay ku noolyihiin Somalida ugu badan Mareykanka.

Qadra ayaa loo ogolaaday inay shaqadeeda gudato iyadoo weliba xiran xijaab.

Waxaana arintan ay ku soo beegmeysaa, iyadoo dhawaan Ismahan Isse, oo ah gabar somaliyeed oo 29 sana jir ah oo ka soo baxday akaemiyada booliska magaalada Kolombus ee gobolka Ohaio ay isaga hartay, damaceedii ahaa inay boolis noqoto, iyadoo u sababeysay in siyaasadaha booliska gobolka aaney ogoleyn in xijaab ay ku shaqeyso.

Wariyeheenna Maxamed Mascadde ayaa Magaalada Minneapolis kula kulmay Qadra Maxamud iyo Waxiid Axmed Siraaj oo isna darajada Saajin ka gaaray booliska gobolka, waxuuna ugu horeyn qadra weydiiyay sida ay ugu suuragashay inay booliska ku biirto.

Dhageyso Wareysiga Laba ka Mid ah Somalida Booliska ka ah Mareykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:09 0:00

XS
SM
MD
LG