Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afhayeenka Mucaaradka Jabuuti oo la Sii Daayay


Maalintii shalay ayaa la sii daayey dad ku xirnaa xabsiga jabuuti oo u ka mid yahay Daahir Axmad Faarax oo ah afhayeenka mucaaridka Jabuuti.

Daahir Axmed Faarax oo la hadlay VOAda, ayaa sheegay inay dhamaatay dacwaddii uu ku eedeysnaa ee aheyd inuu kacdoon soo abaabulay, hase ahaatee ay weli furan tahay dacwad taas ka horeysay oo ku eedeynaysa inuu amniga qaranka meel kaga dhacay is-markaana uu la soo saftay dal shisheeye.

Afhayeenka Mucaaradka Jabuuti ayaa intaa ku daray in xaaladda nolosha xabsiga Jabuuti ee ku xirnaa ay tahay mid aad u liidata.

Xeer ilaaliyaha Jammuuriyadda Jabuuti Maki Cumar Cabdulqaadir oo ka hadlayey sii deynta Daahir Axmed Faarax ayaa sheegay in deyntiisu aaney ka dhigneyn in danbi aanu lahayn, isagoo xusay in garsoorku uu weli daba socdo Daahir Axmed Faarax, aanna loo ogoleyn inuu magaalada isaga baxo amaba uu ka soo muuqdo meel ay rabshado ka socdaan.

Wareysiyada oo dhan halkan ka dhgeyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:25 0:00
XS
SM
MD
LG