Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria oo Qaadday Koobka Qaramada Afrika


Nigeria oo Ku Guuleysatay Koobkii Qaramada Afrika
Nigeria oo Ku Guuleysatay Koobkii Qaramada Afrika
Xulka Kubadda Cagta ee wadanka Nigeria ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika ee sanadka 2013ka oo kalkan uu marti galiyey wadanka Koofur Afrika.

Nigeria ayaa ciyaartii kama danbeysta aheyd waxa ay 1-0 uga badisay wadanka Burkino Faso oo markii ugu horeysay soo gaaray kulalmada kama danbeysta ah ee koobka Qaramada Afrika.

Ciyaartoyda Nigeria oo ku Faraxsan Guusha
Ciyaartoyda Nigeria oo ku Faraxsan Guusha
​Goolka guusha ayaa Nigeria waxaa u saxiixay ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaara ee lagu magacaabo Sunday Mba. Koobkan ayaa noqonaya kii sedexaad ee ay Nigeria ku guulaysato iyadoo kii ugu danbeeyey ay qaaday muddo haatan laga joogo 19 sano.

Ciyaarta kama danbeysta ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax ay ka mid ahaayeen madaxweynaha wadanka Koofur Afrika Jacob Zuma, madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee FIFA Seb Blatter iyo madaxeynaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika CAF Issa Hayatou.
M/weynaha K/Afrika oo Koobka Siinaya Kabtanka Nigeria
M/weynaha K/Afrika oo Koobka Siinaya Kabtanka Nigeria

Dhinaca abaalimarinta ciyaartoyda, ayaa ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa intii ay kulamadu socdeen waxaa loo aqoonsaday, ciyaaryahanka wadanka Burkino Faso dhinaca weerarka uga ciyaara ee Jonathan Pitroipa. Gooldhalinta waxaa ku guuleystay ciyaaryahan Emmanuel Emeniki oo u dheela Nigeria. Goolkii ugu quruxda badnaa waxaa loo aqoonsaday inuu dhaliyey ciyaryahan Youssef El M'sakni oo u dhashay wadanka Tunisia. Ciyaaryahankii ugu akhlaada wanaagsanaana waxaa loo aqoonsaday ciyaaryahan Victor Moses oo u ciyaara wadanka Nigeria.

E. Emenike Koobka iyo Kan Gooldhalinta Kor u Haya
E. Emenike Koobka iyo Kan Gooldhalinta Kor u Haya
Sanadakan intii ay ciyaaruhu socdaan waxyaabaha xusidda mudan waxaa ka mid ah in wadanka Cape Verde uu markii ugu horeysay ka soo qeyb galay ciyaaraha Qaramada Afrika, iyo in Ethiopia markii ugu horeysay muddo sodon sano ah ay ciyaaraha ka soo qeyb gashay walow ay wareegii hore ku hartay.
Ethiopia iyo Burkino Faso Wereegii Hore ee Ciyaaraha
Ethiopia iyo Burkino Faso Wereegii Hore ee Ciyaaraha

XS
SM
MD
LG