Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Geerida Nelson Mandela


Madaxweynihii hore ee dalka Koofur Afrika Nelson Mandela, ayaa goor dhaweyd geeriyooday, da’diisuna waxa ay aheyd 95 sano.

Geerida Mr Mandela waxaa shaaca ka qaaday madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma, isagoo ka hadlayey telefishinka ayaa waxa uu yiri “Mandela si caadi ah ayuu u dhintay”

please wait

No media source currently available

0:00 0:22:52 0:00


Madaxweyne Zuma oo ka sii hadlayey geerida Mandela, ayaa sheegay in Koofur Afrika ay waysay wiilkeedii ugu wanaagsanaa, waxa uuna intaa ku daray in Mandela loo sameyn doono aas qaran islamarkaana calanka Koofur Afrika hoos loo dhigi doono.

Mr. Mandela waxa uu ku dhawaad 30 sano ku jiray xabsi isagoo u halgamayey in la soo afjaro xukunkii caddaanka tirada yaraa ee gumeysiga ku hayay dadka madaw ee Koofur Afrika.

Hogaamiyihii gobanimadoonka Koofur Afrika Nelson Mandela, markii xabsiga laga soo daayey, waxa uu noqday astaanta nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna ku guuleystay sanadkii 1993dii abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

please wait

No media source currently available

0:00 0:22:52 0:00
XS
SM
MD
LG