Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Musharaxa UCID oo laga Celiyey Gabiley


Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa ka hor-istaagay wefdi ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee UCID inay booqdaan Gebilay.

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo horkacayey weftigaas ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay bixisay amarka lagu hor-istaagay isaga iyo weftigiisa isagoo sheegay inay xisbiyada mucaaradka ahi ay tallaabadan u arkaan caburin xukuumaddu kula kacayso xisbiyada mucaaradka ah.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Gebiley, Yusuf Ibrahim Gedi oo ka jawaabayey eedaha Jamaal Cali Xusseen, ayaa sheegay in wafdigu aanu horey usoo sheegin imaanshahooda gobalka, ayna aheyd inay warqad ruqso ah ka soo qaataan Wasaaradda Arrimaha Guddaha, inta aaney u soo ambabixin Gabiley.

Yuusuf Ibraahim Geedi ayaa carabka ku dhuftay in go'aanka ay ku horjoogsadeen wafdiga UCID uu ahaa mid iyaga uun u gooniya ee aanu aheyn mid uga yimid madaxtooyada Somaliland.

Wareysiyada labda mas'uul oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:11:16 0:00
XS
SM
MD
LG