Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bayern oo Cashar Banooni Siisay Barcelona


Ciyaartoyda Bayern Munich oo u dabaal dageya goolka Robben uu ka dhiliyey Barcelona.
Ciyaartoyda Bayern Munich oo u dabaal dageya goolka Robben uu ka dhiliyey Barcelona.
Labada kooxood ee Barcelona iyo Bayern Munich ayaa kulankii labaad ee ciyaarta samifinalka isaga hor yihid garoonka Camp Nou ee magaalada Barcelona.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa labada kooxood ay waxba iska dhalin waayeen, kooxda Barcelona oo lugtii hore ee ciyaartaan oo ka dhacday dalka Jarmalka looga soo badiyey 4-0, ayaa ku dadaaleysay inay goolashaa soo gudo oo ugu yaraan qeybta hore ee ciyaarta ay goolal la timaado, hase ahaate uma suuro galin, fursado goolal lagu dhalin karay oo ay heshayna waa ay iska qasaarisay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii la isugu soo laabtay labada kooxdba waxa ay isku dayeen inay goolal dhaliyaan, kooxda Bayern marna uma muuqan inay diyaar u tahay inay difaac gasho oo ay ilaashato 4teedii gool, waxayna dhowr mar sigtay goolka kooxda Barcelona.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:20 0:00

Kooxda Bayern Munickh ayaa daqiiqadii 48aad waxa ay la timid gool, waxaana kubbad qurux badan oo uu dhanka baalaha midig ka soo qaatay ciyaaryahanka reer Holland ee Arjen Robben uu daba mariyey goolhayaha kooxda Barcelona, goolkaasi waxa uu ceel dheer ku sii riday rajadii Barcelona ay ka laheyd inay u soo baxdo ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Horyaalada Kooxaha Yurub oo Bishan 25keeda ka dhici doona magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Barcelona oo uu ka maqnaa xiddigooda Messi ayaan marnaba u muuqan kooxdii banooniga cashar ahaanta u siiin jirtay kooxaha kale, dhan kasta marka laga fiiriyo ciyaartana, waxa ay Barca u muuqatay koox niyad jabtay, taasi oo keentay in ciyaaryanka difaaca uga ciyaara ee Gerard Pique uu iska dhaliyo gool daqiiqadii 72aad, waxaana afar daqiiqadood ka dib ay Bayern Munich la timid goolkii sedexaad oo uu u saxiixay ciyaaryahanThomas Muller.

Bayern ayaa kulankii xalay guul ku damaashaaday waxayna Barcelona oo aan si sahalan looga badin dusha u saartay sedex gool, isugeynna waxaa labadii kulan Barcelona lagu dharbaaxay 7 gool iyo waxba, waana guul daradii ugu ba'neyd ee Ciyaaraha yurub oo ku dhacda Barcelona. Sanadkii 1994kii ayaa Barcelona 4-0 waxaa uga badisay kooxda AC Milan ciyaartii kama danbeysta aheyd ee Koobka Yurub.

Ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Champions Legue, ayaa waxa isugu soo baxay Bayern Munich oo si xarago leh uga soo adkaatay Barcelona iyo Borussia Dortmund oo Real Madrid 4-3 si dirqi ah ugu soo baxsatay.

Labada kooxood ee reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa loo saadaalinayey inay ciyaarta finalka ah isaga horyimaadaan, waxaana dad badan aaminsanaayeen in qaabka loo sameeyey isku aadka ciyaaraha semifinalka uu u muuqday mid ay EUFA ku dooneysay in xiddigaha Messi iyo Ronaldo ay ciyaarta kama danbeysta isaga horyimaadaan.

Si kasta oo ay tahayba waxaa haatan shaki la'aan ah in ciyaarta finalka ah ay laba kooxood oo Jarmal ahi isaga hor imaanayaan, waxaana sidoo kale ay arrinatani keentay hadal heynta bahda ciyaaraha ee ah "iftiinkii kubadda cagta waa uu ka wareegay wadanka Spain oo waxa uu u leexday dalka Jarmalka", waxaana taa la kala ogaan doonaa xilli ciyaareedka danbe waxa ay kooxaha Jarmalka iyo Spain la soo shir tagaan.
XS
SM
MD
LG