Ciyaaryahanka Kubadda Koleyga ee naadiga LA Lakers Kobe Bryant, ayaa noqday ciyaaryahankii afararaad ee ugu dhibco dhalin badan ciyaaraha NBA-da Maraykanka, kadib markii uu xalay ka saremaray Xiddigii Wilt Chamberlain oo laftiisu Lakers u soo ciyaaray.
Bryant ayaa xalay kooxdiisu waxa ay la ciyaartay naadiga ay isku gobalka ka dhisan yihiin ee Sacramento Kings, waxaana uu u baahnaa oo keliya inuu dhaliyo afar dhibcood si uu kaalinta afaraad uga galo ciyaaryahan Wilt Chamberlain oo heysta (31,419) dhibcood. Bryant waxa uu dhaliyey 19 dhibcood waxa uuna haatan leeyahay (31,428) dhibcood.
Kobe Bryant ayaa iminka waxa uu higsanayaa inuu dhaafo sedexda ciyaartoy ee ka horeysa kuwaasi oo kala ah Micheal Jordan oo leh (32,292) dhibcood, Karl Malone oo dhaliyey (36,928) dhibcood iyo Kariim Abdul-Jabbar oo ah ciyaaryahanka dhaliyey dhibcaha ugu badan ee NBA.
Ciyaaryahan Bryant waa ninka labaad ee ugu sareeya dhalinta dhibcaha hal kulan, waxa uuna Jan. 22, 2006dii kooxda Toronto Raptors ka dhaliyey 81 dhibcood. Ciyaaryahan Wilt Chamberlain ayaa heysta rikoorkaas oo waxa uu March 2, 1962kii kooxda New York Knicks ka dhaliyey boqol dhibcood.
Kooxda Lakers ee uu Ciyaaryahan Byrant u dheelayey tan iyo sanadkii 1996kii una qaaday 5 koob, ayaa sanadkaan waxa ay la kacaa kufaysaa dhaawacyo ay la ildaran yihiin xiddigaha kooxda, waxaana hadda ay qarka u saaran tahay kooxdu inay u soo gudbi wayso ciyaaraha isreereebka oo bisha April bartankeeda bilaabanaya, walow uu Bryant balanqaaday inay u soo baxayaan ciyaarahaasi.
Faaqidaadda Ciyaaraha oo ku saabsan Ciyaaryahan Kobe Byrant iyo guulihiisa
halkan hoose ka dhageyso.