Booliska Kenya ayaa ugu yaraan sideed qof toogasho ku dilay xaafadaha isku raranta ah ee Nairobi, labadii bil ee tagtay, ayaga oo jebinaya sharciga isticmaalka awoodda, waxaa sidaas sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha Human Right Watch (HRW), Khamiis.