Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Coronavirus: California oo xaalad deg deg ah la geliyey


Tirada dadka cudurka Coronavirus ugu geeriyooday dalka Mareykanka ayaa Arbacadii gaartay 11 qof, ayada oo kiisas cusub oo cudurka ah lagu arkay magaalooyinka New York iyo Los Angeles.

Qofkii ugu horreeyey ee cudurka ugu dhinta gobolka California ayaa noqday qof da’ ah oo ku noolaa Placer County, oo ku dhow magaalada Sacramento, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Waxay ahayd dhimashadii ugu horreysay ee la xiriirta cudurka Coronavirus ee ka dhacda meel ka baxsan gobolka Washington ee dalka Mareykanka, halkaasi oo 10 qof ay ku geeriyoodeen.

Saacado kadib markii lagu dhowaaqay dhimashadaas, ayaa barasaabka gobolka California Gavin Newsom waxa uu ku dhowaaqay xaalad deg deg ah oo looga jawaabayo cudurka Coronavirus, oo 53 qof ku haleeyey gobolka.

“Gobolka California wuxuu heer kasta oo dowladeed u adeegsanayaa in la ogaado kiisaska, lana yareeyo faafitaanka cudurka Coronavirus,” ayuu Newsom ku yiri bayaan uu soo saaray.

Magaalada Seattle iyo deegaanada ku hareereysan ee gobolka Washington ayaa ah halka kiisaska ugu badan ee cudurka Coronavirus laga helay dalka Mareykanka.

Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa isku raacay miisaaniyad deg deg ah oo gaareysa 8.3 bilyan oo dollar, si loogu adeegsado xakameynta cudurka Coronavirus.

REUTERS

XS
SM
MD
LG