Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isku dayga ay Carabta Israel xukunka uga tuurayaan Netanyahu


Arab Israelis
Arab Israelis

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii taageerayaashiisa ku booriyey inay ka codeeyaan doorashada maanta dhaceysa ee Israel, si uu u helo kursiga ama labada dheeriga ah ee uu u baahan yahay si uu usoo dhiso dowladda cusub.

Hase yeeshee, xilli uu olole ku jiray, ayaa awood kale oo ka mid ah siyaasadda Israel – Carabta laga tirada badan yahay – waxa ay doonayaan inay xamaasad iyo carro ka dhan ah Netanyahu iyo xulufadiisa Mareykanka u adeegsadaan inay doorashada u weeciyaan dhan kale.

Sharci-dejiyayaasha Carabta ayaa bulshadooda ku booriyey inay si weyn uga qeyb qaataan doorashada maanta dhaceysa, ayna muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan qorshaha madaxweynaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe ee loogu magac daray “Heshiiska Qarniga.”

Carada Carabta Israel ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qeyb ka mid ah qorshahan, taasi oo dib u calaameynaysa xuduudaha, islamarkaana qaar ka mid ah magaalooyinka iyo xaafadaha Carabta ka saaraysa Israel, kuna daraysa dalka mustaqbalka ee Falastiin

“Waxaa jira qof dejiyey qorshahan, waana Benjamin Netanyahu,” waxaa sidaas yiri Ayman Odeh, oo ah madaxa isbahaysiga xisbiyada Joint List, oo ay Carabta ku xooggan yihiin.

“Waxaan u baahanahay inaan xukunka ka tuurno, waa ninka naga carreysiiyey, waa qofka ka dambeeya Heshiiska Qarniga,” ayuu yiri Odeh, oo tagay xaafadda Taibe, oo noqon karta mid ka mid ah xaafadaha laga saaro Israel.

Codadka ra’yiga dadweynaha ayaa muujinaya in xisbiga Likud ee Netanyahu iyo xisbiga Bule and White ee Benny Gantz ay siman yihiin.

Carabta ayaa waxay hadda baarlamanka Israel ku leeyihiin 13 ka mid ah 120-ka kursi. Haddii Carabta iyo Isbahaysiyada Dhexe ay kordhiyaan saamigooda kuraasta, aad ayey u adkaan doontaa in Netanyahu uu helo kuraasta dheeriga ah, ee uu u baahan yahay si uu dowladda usoo dhiso.

80% Carabta wax ka og qorshaha Trump, ayaa kasoo horjeeda, sida ay muujisay ra’yi ururin la sameeyey 24-ka Febraayo.

Arik Rudnitzky, oo qaaday codkan ra’yiga ah, ayaa sheegay in qorshaha Trump uu kiciyey Carabta oo markii hore aan inta badan ka qeyb-geli jirin doorashada, waxaana la filayaa in doorashada maanta ay ka qeyb-qaataan tiro ka badan tan doorashadii ugu dambeysay, oo ah 60% dadka xaqa u leh inay codeeyaan.

REUTERS

XS
SM
MD
LG