Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudi Carabiya oo hakisay Cumrada iyo dalxiiska ajaaniibta


Dalxiise cudurka Coronavirus looga baarayo garoonka Riyadh

Sacuudi Carabiya ayaa maanta hakisay Cumrada iyo Dalxiiska ay dalkeeda ku iman jireen ajaaniibta dalalka uu ku fidayo cudurka Coronavirus.

Boqortooyada, oo ay ku yaallaan labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka ee Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nebiga (NNKH), ayaa sanad kasta waxaa yimaada malaayiin qof.

Bishii October waxay soo saartay Visa cusub oo dalxiis oo la siinayo dadka 49 dal.

Wasaaradda arrimaha dibdda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hakinta ay tahay mid waqti kooban ah, hase yeeshee ma shaacin xilliga ay ku eg tahay.

Ma cadda, haddii go’aankan uu sameeyn doono Xajka oo sanadkan ku beegan dabayaaqada bisha July.

Waxaa sidoo kale la hakiyey soo gelitaanka dadka u socda inay booqdaan masjidka Nebiga (NNKH) ee Medina.

Sacuudi Carabiya weli laguma rag wax kiis ah oo la xiriira cudurka Coronavirus, hase yeeshee waxa uu kuu fidiyaa dalalka deriska la ah

Wasaaraddu ma aysan shaacin dalalka uu dadkooda saameyn doono go’aankan, hase yeeshee waxay sheegtay in mas’uuliyiinta caafimaadka ay go’aan ka gaari doonaa kuwa ugu halista badan.

Sarkaalka ugu sarreeya dalxiiska Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadkan sheegay in 400,000 oo Visa ah lasoo saaray tan iyo bishii October markii la billaabay barnaamijka cusub ee Visa-ha.

Hadafka boqortooyada ayaa in dalka uu soo jiito 100 milyan oo dalxiisayaal ah sanadkiiba, marka la gaaro 2030.

REUTERS

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG