Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Turkish ah oo lagu dilay Libya


Erdoğan

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa Talaadada sheegay in laba askari oo Turkish ah lagu dilay dalka Libya, halkaasi oo ay u joogaan taageeridda dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Turkey ayaa waxay dowladda Tripoli ka caawineysaa inay iska caabiso weerarada kaga imanaya Jeneral-ka fallaagada ah ee Khalifa Haftar oo doonaya inuu xukunka qabsado.

“Laba askari ayaa nooga shahiiday dalka Libya,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara.

Madaxweyne Erdogan ma shaacin goorta la dilay askartaas.

Sabtidii, Jeneral Khalifa Haftar ayaa sheegtay in ciidamadiisa ay dileen 16 askari oo Turkish ah, toddobaadyadii tagay.

Tan iyo markii ciidamada Turkish-ka lagu daad gureeyey dalkaas, islamarkaana agab militari oo horumarsan la siiyey ciidamada dowladda, kooxda Haftar ayaa waxay lumiyeen qaar ka mid ah dhulkii ay horey u qabsadeen.

Jeneral Haftar ayaa waxaa taageera dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Ruushka, halka dowladda Tripoli ay tagaeero ka hesho Turkey iyo Qatar.

Dhinaca kale, madaxweyne Erdogan ayaa mar kale ku celiyey war uu shaaciyey toddobaadkii tagay, oo ahaa in qaar ka mid ah dagaal-yahanada Syria ee Turkey ay taageerto ay ciidamada dalkiisa kula sugan yihiin Libya.

REUTERS

XS
SM
MD
LG