Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo wacadaro ka dhigay doorashadii Super Tuesday


Election 2020 Joe Biden
Election 2020 Joe Biden

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa wacadaro ka dhigay doorashooyinkii is-reeb reebka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee u taagan madaxweynaha ee xalay ka dhacay gobollo ka mid ah dalka Mareykanka.

Biden, oo mar u muuqday inuu tartanka kasii dhacayo, ayaa ku guuleystay ugu yaraan sagaal gobol oo ka mid ah 14-kii gobol ee ay ka dhacday doorashadii shalay, oo loo yaqaan Super Tuesday.

Toddobaad un ka hor, ololaha doorashada Biden ayaa u muuqday mid burbur qarka u saaran kadib markii looga adkaaday saddexdii gobol ee ugu horreeyey doorashada, ka hor inta uusan ku guuleysan gobolkii afaraad.

“Waa habeen wanaagsan oo u muuqda inuu sii wanaagsanaanayo. Macno la’aan looguma yeerin Super Tuesday,” ayuu yiri Biden oo taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Los Angeles.

Musharax Bernie Sanders, oo u muuqday inuu tartanka doorashada kaga horeeyey Biden, ayaa ku guuleystay gobollada Vermont, Colorado iyo Utah, halka la filayo inuu sidoo kle ku guuleysto gobolka California.

Biden ayaa ku guuleystay gobollada Virginia, North Carolina, Alabama, Oklahoma, Tennessee, Arkansas, Massachusetts, Minnesota iyo gobolka Texas oo ah kan labaad ee ugu weyn dalka kadib California.

Sanders ayaa ugu dabaal degay gobolladii uu ku guuleystay, isaga oo weerar ku qaaday madaxweyne Trump, uguna yeeray “Madaxweynihii ugu halista badnaa taariikhda dalkan.”

Waxa uu sidoo kale Biden ku weeraray inuu u codeeyey dagaalkii Iraq, iyo in sumcaddiisa ay dhaawac gaarsiineyso taageerada uu ka helo bilyineerada.

Guusha Biden ayaa la rumeysan yahay inay xoogeeda leeyihiin dadka madow, oo muhiim u ah xisbiga dimoqraadiga, kuwaas oo taageero aan caadi ahayn siiyey.

Tartankii xalay ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa duqii hore ee New York Mike Bloomberg oo ka mid ah dadka ugu taajirsan dunida, iyo Senator Elizabeth Warren, kuwaas oo aan gobolna ku guuleysan.

AFP

XS
SM
MD
LG