Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiya oo dalbatay in la hakiyo wada-hadallada Nile


Biyo-xireenka GERD
Biyo-xireenka GERD

Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii weydiisatay Mareykanka in la hakiyo wada-hadallo la filayey in maaanta ay dib uga furmaan Washington oo ku saabsan muranka ka taagan biyo-xireenka ay ka sameyneyso webiga Nile.

“Waxaan weydiisanay inaan u baahannahay waqti dheeri ah oo aan wada tashiyo ku sameyno,” waxaa sidaas yiri Bizuneh Tolcha oo ah afhayeenka wasaaradda biyaha, waraabka iyo tamarta Ethiopia.

Wareegga ugu dambeeye ee wada-hadallada oo u dhaxeeya Itoobiya, Sudan iyo Masar ayaa la filayey inay Khamiista iyo Jimcaha ka dhacaan Washington.

Dowladda Mareykanka ayaa marti gelisay dhowr wareeg oo wada-hadallo ah oo u dhaxeeyey wasiiro ka kala socda Masar, Sudan iyo Itoobiya kadib markii wada-hadallo hore ay dhowr mar fashilmeen.

Masar, Itoobiya iyo Sudan ayaa 31-kii Janaayo sheegay inay dhammaadka bishan saxiixi doonaan heshiis lagu soo geba-gebeynayo khilaafkooda ku aadan heerka la biyo buuixinayo iyo sida uu u howl-galayo Biyo-xireenka Dib Curashada Weyn ee Itoobiya (GERD).

Itoobiya ayaa biyo-xireenka ka dhiseysa meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto Sudan, oo uu ku qul-qulo webiga Nile, kaasi oo ah isha ugu weyn ee ay biyaha ka helaan 100 milyan ee qof ee ku nool Masar.

Biyo-xireenka ayaa qeyb ka ah qorshe ay Itoobiya ku dooneyso inay ku noqoto dalka ugu weyn Afrika ee korontada dhoofiya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Qaahira ay “ka go’an tahay ka qeyb-galka wada-xaajoodyada ay agaasimeen Mareykanka iyo Bankiga Adduunka”.

REUTERS

XS
SM
MD
LG