Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo Mareykanka u jeedisay eedeyn la xiriirta Coronavirus


Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani
Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa maanta ku eedeeyey Mareykanka inay dalkiisa ku baahinayaan “cabsi” la xiriirta cudurka Coronavirus ee ka dillaacay.

Coronavirus ayaa dalka Iran ku dilay 19 qof oo ka mid ah 139-ka qof ee uu saameeyey, oo uu ku jiro wasiir ku-xigeenka caafimaadka, taasi oo Iran ka dhigtay dalka labaad ee ugu dhimashada badan cudurka kadib Shiinaha.

“Waa in aynaan u ogolaan America inay Coronavirus noogu darto fayrus cusub oo loogu yeero…cabsi darran,” ayuu Rouhani ka sheegay kulanka golaha wasiirada Iran ee toddobaadlaha.

Hadalka Rouhani ayaa yimid maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu Iran ku eedeeyey inay caburineyso akhbaaraadka ku saabsan cudurkan ka dillaacay dalkeeda.

Waxa uu sheegay inay qarineyso heerka rasmiga ah ee uu gaarsiisan yahay cudurkan.

“Mareykanka naftooda ayaa la xarbinaya Coronavirus. 16 kun oo qof ayaa u dhintay hargab hase yeeshee kama hadlaan dhimashadooda,” ayuu yiri Rouhani.

Iran ayaa tan iyo Arbacadii la tacaaleysay inay xakameyso cudurkan, markaasi oo ay ku dhowaaqday labadii qof ee ugu horreeyey oo ku dhintay magaalada Qom, oo ah xarun lagu barto diinta Islaamka, islamarkaana soo jiidata aqoonyahano “Xaj” u socda oo ka yimaada dibedda.

Mas’uuliyiinta ayaa xiray iskuullada, jaamacadaha, xarumaha dhaqanka, dhacdooyinka cayaaraha, waxaana shaqaalaha nadaafadda lagu daad gureeyey basaska, tareenada iyo goobaha dadweynaha.

AFP

XS
SM
MD
LG