Duqii hore ee New York Michael Bloomberg ayaa ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Mareykanka, isaga oo taageeray Joe Biden oo hogaaminaya xubnaha dimoqraadiga ah ee doonaya inay kurisga kula loolamaan madaxweyne Donald Trump.
Dagaalka Dimoqraadiga ee cidda wajaheysa Trump ayaa hadda u muuqda mid ka dhaxeeya laba musharax oo kala ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Joe Biden, iyo senator-ka laga soo doorto gobolka Vermont Bernie Sanders.
Bloomberg ayaa tartanka ka haray, kadib markii boqolaal milyan oo dollar oo uu ku bixiyey aysan horseedin wax natiijo ah oo la taaban karo.
“Waddo muuqata oo aan ku noqon karo musharaxa dimoqraadiga ma jirto hadda,” ayuu yiri Bloomberg oo ah bilyaneer 78 jir ah.
Isaga oo ka hadlaya taageerada uu u fidiyey Joe Biden, ayaa Bloomberg waxa uu yiri “waxaan ka shaqeyn doonaa inaan ka dhigo madaxweynaha xiga ee Mareykanka.”
Joe Biden ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ugu mahad celiyey Bloomberg, wuxuuna yiri “Tartanka waa ka weyn yahay musharaxiin iyo siyaasad, waxa uu ku saabsan yahay ka adkaanta Trump, waana sameyn karnaa haddii aan haysto caawimaadaada.”
REUTERS