Nin la tuhunsan yahay inuu yahay xagjir midig-fog ah ayaa sagaal qof ku dilay weerar uu xalay ku qaaday laba baar oo shiishadda lagu cabo oo ku yaalla dalka jarmalka, ka hor inta aanu gurigiisa ku laaban oo uusan is-dilin, waxaa sidaas sheegay booliska.
Dacwad-oogayaasha Jarmalka ayaa sheegay in ay la wareegeen baaritaanka weerarka – oo xilli dambe oo Arbacadii ah ka dhacay magaalada Hanau oo ku taalla magaalada Frankfurt – sababo la xiriira in weeraraka ay dhiiri-geliyeen fikrado xagjirnimo.
Wargeyska Bild ayaa qoray in ninka weerarka fuliyey uu qoraal qirasho ah oo uu ka tagay ku muujiyey fikradaha kooxaha midigta-fog.
Baararka laga cabo shiishadda ee dalalka Reer Galbeedka ayaa waxaa inta badan leh oo maamula dad asal ahaan kasoo jeeda Bariga Dhexe iyo Koonfurta Asia.
Dadka xalay lagu dilay weerarka Hanau ayaa waxaa ku jiray kuwa asal ahaan Turkish ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay madaxtooyada Turkey.
“Waxaan ka rajeeneynaa mas’uuliyiinta Jarmalka inay dadaalka ugu badan muujiyaan si loo iftiimiyo kiiskan. Cunsuriyeynta waa kansar guud,” ayuu yiri Ibrahin Kalin oo qoraal soo dhigay twitter.
Wargeyska Bild oo ah kan loogu iibsasho badan yahay Jarmalka ayaa isaga oo aan sameyn wax xigasho ah sheegay in tuhmanaha uu ka tagay muuqaal uu ku sheegtay mas’uuliyadda
Booliska Jarmalka weli kama aysan hadlin warbixinta uu qoray Bild.
Reuters