Waxaa shalay subax magaalada Toronto ee dalka Canada, gaar ahaan xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Weston and Lawrence, lagu dilay wiil Soomali ah oo da’diisa lagu sheegay 30 jir. Wiilkan ayaa magaciisa la yiraahdaa Kaafi Bashiir Bahweyn.
Khubaradii iyo aqoonyahankii ka qayb galay kulanka sanadlaha ah ee dhowaan ka dhacay magaalada Boras ee dalka Sweden ayaa soo saarsy war-murtiyeed ka kooban toddobo qodob.
Gabar toban sano jirta ayaa la sheegay inay ku dhimatay toddobaadkii hore magaalada Dhuusamareeb kadib markii waalidiinteed oo ay wada degganaaneeyeen dhulka baadiyaha ah oggolaadeen gudniinka fircooniga ah. Dr. Cabdiraxmaan Cumar Xasan oo Agaasime ka ah cisbitalaka Xannaano ee magaalada Dhuusamareeb oo xaaladda gabadha dhimatay ka hadlay ayaa sheegay in uu dhaawac culus ka muuqday xubneheeda taranka.
Kooxda al shabaab ayaa weerar ku dishay hal asakari oo Maraykan ah, sidoo kale afar askari oo kale oo Maraykan ah ku dhaawacday weerarkaasi. Ugu yaraan laba askari oo Soomaali ah ayay al-shabaab isla weerarkaasi ku dhaawacday
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey in dowlada Imaaraadka Carabta ay howlo muhiim ah ka wadaan deegaanada Puntland kuwaasoo ay adag tahay in ay shacabka iyo maamulkiisuba ka maarmo, isagoo soo dhaweeyey in wixii ismaandhaaf ah lagu xaliyo wadahadal.
Sharci-yaqaano Aden Bataar ayaa toddobaadkan la guddoonsiiyay abaalmarinta New Pioneers American Dreams Awards, oo ah Abaal-gud la siiyo dadka soo galootiga ah ee shaqooyinka muuqda qabata, islamarkaana wax kusoo kordhiya dalka Mareykanka.
War-murtiyeed ayaa kasoo baxay shirkii madaxda dawlad goboleedyada ay ku yeesheen magaalada Ksimaayo waxaana lagu aas-aasay gole ay ku mideysan madaxda. Gaas ayaa uga warramay VOA.
Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka ka socda.
Waxaa degaanka Beled Xaawo ku dhibateysan ku dhawaad 150 qoys oo Somali qaxooti ah oo dhawaan dib loogu celiyay xeryaha dhadhaab.
Kuwo kale