Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Aaden Bataar oo la guddoonsiiyay abaarlmarin


Batar
Batar

Sharci-yaqaano Aden Bataar ayaa toddobaadkan la guddoonsiiyay abaalmarinta New Pioneers American Dreams Awards, oo ah Abaal-gud la siiyo dadka soo galootiga ah ee shaqooyinka muuqda qabata, islamarkaana wax kusoo kordhiya dalka Mareykanka.

Waa abaalmarintii u horreysay ee nooceeda oo kale ah oo gobolka Utah uu siiyo qof soo galooti ku ah gobolkaasi

Aadan Bataar waa sharci-yaqaan xagga socdaalka ah, waxaana uu madax ka yahay Xarunta dib u Dejinta Qaxootiga ee ku taala gobolka Utah ee dalka Mareykanka. Waxa uu abaalmarintaasi ku muteystay shaqooyin uu sida mutadacnimada ah ugu qabtey boqolaal dad ah oo soo galooti ah, taasoo keentay in markii dambana la aqoonsado wax qabadkiisa.

Muddo toban sano ka badan, waxa uu Aden Bataar la soo shaqeeyay hay’adda dib u dejinta Qaxootiga Q.M.

Haddaba, Sahra Cabdi Axmed ayaa waraysatey Batar. Wareysiga oo dhameystirana ka dhageyso lifaaqa hoose.

Dhageyso Wareysiga Bataar
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:47 0:00

XS
SM
MD
LG