Warar laga soo xigtay diblomaasiyiinta Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa sheegaya in Amiirka Qatar, Amir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani uu si kala gooni gooni ah khadka taleefanka ugala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii si weyn u taageeray, dalabka Falastiin ee ah in ay xubin buuxda ka noqoto Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa. Golaha ayaa usoo jeediyay Golaha Ammaanka in uu arrintan si wanaagsan dib ugu eego.
Sida ay sheegtay hay’adda Save the Children ee ka shaqeysa daryeelka caruurta ee fadhigeedu yahay magaalada London, ugu yaraan 54 qof ayaa xanuunka dacuunka ugu dhintay Soomaaliya bilihii u danbeeyay. Hay’adda ayaa sheegtay in sagaal ka mid ah dadkan ay toddobaad ka hor u dhinteen cudurkan,
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay Jimcihii qaraar ku baaqaya in xabadda la joojiyo dalka Sudan, halkaasi oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu toddobaadkan ka digay in mushkiladda bani'aadanimo ay dalkaasi gaartay meel halis ah.
Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Ethiopia in ay isku dayday in ay carqaladeyso wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud oo ka qeyb galayay Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah in 174 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay 310 kalena lagu dhaawacay weerarrada ay Israel ku heyso Gaza. Dhinaca kale waxaa gobolka ka socda dadaal la doonayo in xabad joojin lagu soo dabaalo colaadda.
Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa ku baaqay in la joojiyo gacan ka hadalka iyo xasuuqa ka socda Marinka Qaza, halkaas oo ay ciidamada Israel ay sii wadaan duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ku hayeen tan iyo 7-dii bishan October.
Qoraal ay soo saartay NISA ayay ku sheegtay in Zakariya la soo qabtay isagoo ku dhuumaaleysanaya gudaha Soomaaliya, Laakiin aabaha dhalay Zakariya, Kamaal Aba Sheikh ayaa sheegay in Zakariya laga soo qafaalay magaalada Mombasa, islamarkaana uu doonayo in wiilkiisa uu caddaalad helo.
Tirada dhimashada dhul-gariir cabirkiisu ahaa 7.2 magnitude oo gilgilay qeybo ka mid ah dalka Morocco ee Waqooyiga Africa gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa kor u dhaaftay 1000 (kun) qof, iyadoo tirada dadka ku dhaawacmay ay sii cagcageyneyso in ka badan 1,200 (laba iyo toban kun) oo qof.
Tirada dadka ku dhintay dhul-gariir cabirkiisu ahaa 7.2 magnitude oo gilgilay qeybo ka mid ah dalka Morocco ee Waqooyiga Africa gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa kor u dhaaftay 800, iyadoo tirada dadka ku dhaawacmay ay sii cagcageyneyso 672 qof sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Morocco.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Soo lee Waqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay golaha.
Kooxda ugu weyn malayshiyada sida milatariga u tababaran ee dalka Sudan ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay qabsatay qasriga madaxtooyada, guriga uu deggan yahay Taliyaha Ciidamada Milatariga iyo garoonka weyn ee caasimadda Khartoum.
In ka badan 60 kun oo qof oo Soomaali ah oo u badan haween iyo caruur ayaa ka cararay colaadda ka oogan gobolka Sool, iyagoo gaaray deegaannada gobolka Soomaalida ee Ethiopia. Hey’adda UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan kala bar dadkaasi ay Ethiopia gaareen horraantii todobaadkan.
Dr. Cabdullaahi ayaa horey taariikh u soo dhigay markii uu noqday maamulaha dugsiga sare ee Deering ee Portland isagoo noqday qofkii ugu horeeyay ee muhaajir ah, madow ah oo Muslim ah oo heerkaa ka gaara bahda waxbarashada gobolkan, iyadoo haddana uu markale taariikh kale sameeyay.
Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa Jimcihii shalay ku sheegay warbixin ay sii daayeen in heerka nafaqa-darrida caruurta uu meel xun marayo Soomaaliya. Warbixintan ayey hey’aduhu ku sheegeen in caruurta ay qoysaskoodu abaarta iyo colaaddu soo barakaciyeen ay aad u liitaan.
Guddiga Congaress-ka Mareykanka ay u saareen baaritsta eedaha ku xiriira dhacdaddii 6-dii bishii January ee sanadkii 2021-ka lagu weeraray dhismaha Congaress-ka Mareykanka ayaa u codeeyay in loo yeero madaxweynihii hore Donald Trump.
Kuwo kale