Dr. Cabdullaahi Axmed Canjeero oo ka tirsan Soomaalida qaxootinimada ku galay dalka Mareykanka ayaa noqday Guddoomiye ku xigeenka Waxbarashda ee magaalada Portland ee ugu weyn Gobolka Maine.
Dr. Cabdullaahi ayaa booskan loo magacaabay ka dib markii Guddoomiyihii Waxbashada ee gobolka Xavier Botana uu ku dhawaaqay in uu shaqada isaga tagayo ka hor inta aanu muddo-xileedkiisu dhamaanin.
Dr. Cabdullaahi ayaa horey taariikh u soo dhigay markii uu noqday maamulaha dugsiga sare ee Deering ee Portland isagoo noqday qofkii ugu horeeyay ee muhaajir ah, madow ah oo Muslim ah oo heerkaa ka gaara bahda waxbarashada gobolka Maine oo ay dadka caddaanka ah ku badanyihiin. Haatan oo uu noqday Gudoomiye ku xigeenka waxbarashada Portland ayuu taariikh kale sameeyay.
Wariyaha VOA Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka ee Portland kula xiriiray wuxuuna ugu horeyn weydiiyay waxa uu ka dhigan yahay booskan loo magacaabay.