Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo Duqeeyay Xarumaha Korontada ee Ukraine


Ukraine Russia War
Ukraine Russia War

Ruushka oo qaaday weerar gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn maanta oo sabti ah ayaa waxyeelo u geystay xarumaha tamarta iyo kaabayaasha muhiimka ah ee guud ahaan dalka Ukraine.

Weerarkaasi ayaa ku kaliftay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy inuu soo saaro codsi cusub oo ku saabsan gargaar dheeri ah oo difaaca hawada ah oo uu dalkiisa ka helo awoodaha reer galbeedka ee taageera oo uu Mareykanka ugu horeeyo.

Intii uu waday duqeeynta Ruushka gobolo dhoowr ah oo Ukraine ah, ayaa waxa socday digniinaha dadka loo jeedinayo inay gabaad ka galaan muddo socdeen sedax saacadood ah.

Warbaahinta iyo baraha bulshada qaar ayaa soo bandhigay muuqaalo muujinya dadka oo goor habeen ah u cararaya meelo gabaad ah.

Barasaabka gobolka Lviv Maksym Kozytskyi ayaa sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen weeraradan isla markaana saddex xarumood ay waxyeelo ka soo gaartay, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha ee gobollo ku yaal xadka Ukraine ay la wadaagto Poland isagoo aanan bixin faah faahin intaasi dheer

Madal

XS
SM
MD
LG