Allah ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Injineer Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Dhagaysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ee maxkamadda Hague ayaa lasoo gabagabeeyey maalintii labaad oo ay hadalkooda sii wateen qareennada u doodaya Soomaaliya.
Waxaa goor dhowayd dhammaatay maalintii ugu horraysay ee dhagaysiga maxkamadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ayaa maanta billowday dhagaysiga dacwadda kiiska muranka ku saleysan soohdin badeedka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqdey inay bisha August ee sanadkan iibgeynayso 7 xirmo shidaal oo hore loo sii sahmiyey oo ku yaalla afar maamul goboleed ee Jubaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.
Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo.
Shirkadda Spectrum Geo ee baarista ku sameysay xirmooyinka shidaalka ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay arrinta is qab qabsiga Kenya iyo Soomaaliya.
Waxaa weli taagan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya kadib markii toddobaadkan ay Kenya ay u sheegtay in uu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) isla markaana ay u yeeratay safiirkeedii Lucas Tumbo.
Shaki badan ayaa la geliyey shirkii ka dhacay magaalada London shaley ee looga arrinsanayay arrimaha shidaalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay walaaca laga qabo shir ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya oo ay bisha Febraayo horaanteeda ku qabaneyso London.
Dowladda Soomaaliya iyo shirkad baarta shidaalka ayaa horaanta bisha February waxay magaalada London ku qaban doonaan shir ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya.
Garsoorayaasha maxkamadda ugu sareysa QM ayaa maanta xukmiyey inay sharci u leedahay inay qaado kiiska muranka dhinaca badda ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Kuwo kale