Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warkii ugu dambeeyay ee xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya


Waxaa weli taagan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya kadib markii toddobaadkan ay Kenya ay u sheegtay in uu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) isla markaana ay u yeeratay safiirkeedii Lucas Tumbo.

Kenya aya adawladda Soomaaliya ku eedaysay inay qandaraas ku siisay shirkado shidaal dhul ay leedahay. Soomaaliya waxay sheegtay inaysan bixin dhul ay Kenya leedahay, waxayna tilmaamtay in khariiradda ay Kenya sheegayso ay muujinayso dhulka Soomaaliya.

Haddaba wararkii u dambeeyey waxaa warbixintan nooga soo diray Gaarisa Maxamed Faarax Shire.

Dhageyso wararkii ugu dambeeyay xiisadda Kenya iyo Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00

XS
SM
MD
LG