Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka shidaalka Soomaaliya oo laga digay


Dowladda Soomaaliya iyo shirkad baarta shidaalka ayaa horaanta bisha February waxay magaalada London ku qaban doonaan shir ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya.

Shirkaas waxaa hareeyay su’aalo badan oo qaarkood sheegaya in si xaraash ah lagu bixinayo ruqsadda shidaal baarista Soomaaliya.

Waxaa ugu dambeeyay oo xalay warsaxaafadeed u muuqda digniin ka soo saaray Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarinta.

Sidoo kale, qaar ka mid ah aqoonyahanada cilmiga macdanta, dhulka iyo waxa ku jira bartay, ayaa qaba in aan la joogin waqtigii shirkado shidaal ruqsad loo siin lahaa baarista shidaalka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso warbixin uu shirka ka diyaariyey Jacfar Kuukaay, iyo wareysi aan la yeelanay Eng. Yarow Shariff Aaden oo ah aqoonyahan arirmahan bartay.

Shirka shidaalka Soomaaliya oo laga digay
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:55 0:00

XS
SM
MD
LG